Golaha ay ku midaysanyihiin xubnaha musharixiinta ah ee u taagan xilka madaxtinimo ee maamul goboleedka ashahaada la dirirka Jubbaland, ayaa taageeray go’aankii uu qaatay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha dawaaqiidda Riddada Jubbaland, kaasi oo uu kaga soo horsjeestay qorshe uu wato murtad Axmed Madoobe.

Xubnaha oo shir jaraa’id oo wadajir ah qabtay ayaa sheegay inay garab taaganyihiin go’aanka uu murtad Aadan Khaliif kaga soo horjeestay in uu Axmed madoobe wax ka beddel ku sameeyo qaar ka mid ah qodobbada dastuur gaaleedka u degsan maamulkaasi.

Waxay sheegeen in Axmed Madoobe uu isku koobay awoodda maamul ee Riddada Jubbaland, ilihii dhaqaale uu leexsaday, maamulka maleeshiyada maamulkaasina uu isaga yeeshay, ugu dambayna uu lasoo baxay dhaqan geligii talisnimo, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Waxay sidoo kale baaq u jeediyeen Axmed Madoobe, iyaga oo sheegay in uu meel iska dhigo qorshaha uu damacsan yahay, maadaama uu wakhtigu ka dhamaaday, waxay na ugu dambayn baarlamaanka daaquudka ah ee maamulkaasi usoo jeediyeen inaysan wax ka beddel ku samayn qaar ka mid ah qodobbada dastuurka maamulkaasi.

Shirka jaraa’id ee ay qabteen xubnaha mucaaradka maamulka Riddada ah ee Jubbaland ayaa kusoo beegmaya, xilli waraysi saacadihii lasoo dhaafay uu bixiyay wasiirka hore ee gaadiidka iyo duulista hawada kooxda Riddada murtad Maxamed Cabdullaahi Oomaar uu eedaymo xooggan ugu jeediyay murtad Axmed Madoobe, sidoo kalena uu ku bogaadiyay go’aanka kasoo baxay xafiiska guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha dawaaqiidda maamulka Riddada Jubbaland.