Dhinacayada isku haya dalka Itoobiya ayaa isku eedaynaya xasuuq aad udaran oo isbuucan gudihiisa ka dhacay mid kamida gobollada wadankaasi. Ugu yaraan 270 ruux ayaa ladilay boqolaal kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii weerar culus lagu qaaday deegaanka Jiimeey ee dhaca galbeedka dalka Itoobiya.

Ismaamulka gobolka Oromada ee Oromia loo yaqaan ayaa kooxaha mucaaradka ku eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen xasuuqa loo geystay dadka kasoo jeeda qowniyadda Amxaarada.

Xafiiska isgaarsiinta Oromia ayaa sheegay in gowracii ka dhacay mandiqadda Jiimee ay mas’uul ka ahaayeen dagaalyahannada Kooxda Xoreynta Oromada ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan OLA.

Goob joogayaal ku sugan galbeedka itoobiya ayaa wakaaladda wararka Faransiiska usheegay in dagaalyahanno daacad u ah fallaagada OLA ay xasuuq daran ka geysteen deegaanka Giimbi “iyagoo aargoosi doon ah ayay xasuuq ka geysteen deegaanka dadka ay laayeen waxay ahaayeen xoola dhaqato iyo beeraleey Amxaaro ah, wixii dhacay ma ahan wax laga sheekayn karo” waxaa sidaas yiri goob jooge.

Bayaan cara leh oo kasoo baxay kooxda OLA ayaa lagu beeniyay eedaymaha loo jeediyay,mucaaradka ugu awoodda badan qowmiyadda Oromada ayaa ku eedeeyay xukuumada Abiy Axmed in ay adeegsanayso marin habaabin.

OLA ayaa xasuuqa amxaarada ku eedaysay ciidamada Liyuu booliska ismaamulka Oromada kaasi oo bilihii lasoo dhaafay howlgallo ka wada deegaanada dhaca xuduuda.

Qof amxaara ah oo gowracan ka badbaaday wuxuu sheegay in 155 qof si jamaaci ah hal meel loogu aasay islamarkaana uu indhihiisa saaray meydadka 61 ruux oo madaxa laga wada toogtay.

“guryaheeni iyo hantideeni waa laburburiyay waxaan doonayaa in aan halkaan isaga tago oo aan aado dhulkii awoowayaasheey halkaas oo aan ka heli karo nolol wanaagsan” ayuu yiri qof ka badbaaday weerarka.

Waxaa soo idlaaday wada noolaashiyihii ka dhaxeeyay dadka Nasaarada amxaarada iyo Oromada musliminta ubadan waxayna qeyb ka tahay kala tagga qowmiyadaha Itoobiya.

Horay waxaa isku laayay tigreega, amxaarada iyo cafarta halka Banishanguulka iyo amxaarada ay colaad ka dhaxayso.