Dowladda Xasan Gurguurte ayaa marka lagaaro 14 October sanad walba waxay dhigtaan baroor diiq ay sheegayso in ay ku xusayso dadkii boqolaalka ahaa ee ku dhintay musiibadii ka dhacday isgoyska Zoobe sanaddii 2017-dii.

Mas’uuliyiinta dowladda marka ay dhacdadan dadka xusuusinayaan waxay uga faa’iidaystaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyagoo ku maxaafsada in ay baacsanayaan jihaadiyiinta oo ay ku eedaynayaan in ay halis ku yihiin dadka shacabka ah!.

Xabaalada Faagista Iskoola Boliisiyo iyo horornimada Damuljadiid.

inkastoo musiibadii Zoobe ka dhacday ay aheyd Uurku taallo weyn oo dad boqolaal qof ah ay ku nafwaayeen kuwa kalana ay ku dhaawacmeenm,hanti badana ay ku khasaartay.

Hadane musiibadaas dadka soomaaliyeed waa kasoo kabsadeen waxbadana waa laga qaatay, dhacdadaas markii ay dhacday dadkii ehekooda kuwaayay umadda soomaaliyeed waa uga tacziyaysay waana layska sabarsiiyay weliba dhaqaale kab ah ayay bulshadu u aruuriyeen.

sida caadiga ah marka muslimiintu ay waayaan ehelka,waalida iyo asaxaabta waa isaga tacziyeeyaan iyagoo isla tacaadufaya waa sidaas dhaqanka lawada yaqaan.

Waxaase layaab leh oo bahalnimo inteeda la eg ah in niman dowlad sheeganaya ay warbaahinta intasoo istaagaan iclaamiyaan in qabuuro caan ah lafaagayo ayna si cad usheegtaan in dhulka xabalahan kuyaallaan ay dhisanayaan, intaas uga tegine 10 maalmood ayay uqabteen in meydadka ama lafaha looga saaro dhulkan.
dhacdadan reer Muqdisho gilgishay runtii waa mid qalbi taabad leh oo ka daran musiibo walba oo bulshadan soo martay.

waa marka hore ah waxaa lagu tuntay xurmada mowtadaa, waxaa dib loosoo nooleeyay murugada dad sanado badan mootanaa oo ehelkoodi lagu qasbay in ay markale murugoodaan,weliba waxaa dadka huriwaa ku noqotay in ay soo faagtaan meydkooda ayna indha saaraan jasadkiisa ama lafihiisa taasi oo noqotay laba geeriyood!.

Islaan seygeedi dhintay 15 sano ka hor ama 30 sano ka hor oo iyada ilmeheedi ay tageen qabuuraha ayaa soo faagay meydkii qaarkood ayaa shoogay markii ay arkeen lafaha aabahood, qaar iyagoo caloosha kujira waalidkood dhintay oo sheeko uun ku maqlay ayaa xabaashii waalidkood tagay kadibna indhaha saaray meydka! markaas ayay sas iyo murugo hor leh qaadeen.

waxaa intaas sii dheer dowladdii ayaaba dhaqaale xooggan ka sameynaysa laba geeriyoodkan oo gobolka Banaadir ayaa meydadka/lafaha ka qaadaya lacag baad ah.

dhibanayaashii lagu qasbay in ay meytadooda soo faagaan ayaa qarash culus lagelinayaa!.

Dad tagay Iskoola Boliisiyo waxay soo wariyeen,qarraca,Uurkutaallo iyo damqasho la’aan waxayna dadku isku raacsanyihiin in tan oo kale aysan taariikha soomarin soomaalida xataa dowladdii siyaad barre oo xabaalo deegaan urogto foolxumadan oo kale masameyn.

Waxaa lay sheegay in halkii meyd ama qalfoof ay ku baxayso lacag ku dhow 200 oo dollar kaliya waa soo faagista lacagtaas kuma jirto midda xabaal 2aad-ka!.
Dad badan ayaa la sheegay in ay udhinteen qarracanka ay ka qaadeen aragtida meytadii ay jeclaayeen,qaar ayaa isbitaallada kujira oo shoog iyo cudurro kale ku dhaceen.

Wadaado xujoobay oo xaaraan lagu xalaalaystay.

Go’aankii dowlad ku sheegta kasoo baxay hadduu ahaan lahaay bayaan xaanshi lagusoo mad madoobeeye ama uu wasiir jeega xiir qurbajoog ah akhrin lahaa dadku wax dhab ah uma arki laheyn ee waxaa xabaalaha dushooda lageeyay wadaada xumayaal Xujoobay kuwaas oo diinkooda iyo dadnimadooda dhaafsaday waxyar oo sanadeerta ah markaas ayay dadkii oo dhan uga dhigeen wax shareecada waafaqsan.

Cali Wajiis nin ladhaho oo wadaadada dowladda kamid ah oo sida muuqata shakhsi ahaantiisa aysan waxan ucuntamin balse ay ka tahay Xasan Sheekh usocodsii lacagta aad qaadatayna caddeyso ayaa dhowr jeer kala hadlay mar wuxuu yiri “dowladdii Farmaajo ayaa hadda ka hor iga codsatay fatwo ah in aan ubaneyno xabaalaha si ay Hotel uga dhisato”.

Markale wuxuu yiri “arrintaan waxaa noo keentay wasaaradda awqaafta” oo uu ula jeedo Mukhtaar Rooboow. Marba meel ayuu kula dhacayay wuxuuna umuuqday nin gubanaya oo ay ucaddahay xaqiijinta mashruucii uu lacagta ku qaatay.

Waa xaqiiq shaki kuma jiro in gummeystuhu uu jebi doono xaabada dabadhilifyada ahna ay sii raaci doonaan,Xasan Gurguurte isna isagoo xilka hayo ayuu dhiman doonaa ama waa dhici doonaa oo waxaan maqli doonaa intii nool iyadoo laleeyahay madaxweynihii hore su’aashuse waxay tahay soomaaliyeed maxaa nala gudboon?.

Marwalba mawaxaan ahaan doonaa kuwa ay gaaladu caalamku noosoo dhisaan dadka midka ugu xun oo xataa meytadeenii ka xishoon waayay,ninkan khaa’inka ah kama badbaadin dadkii noolaa iyo kuwii dhintay waana madaxweynihii ugu horreeyay ee sidaan udhaqma.
waa in umadad soomaaliyeed ay hurdada ka kacdaa oo ay hubka uqaadataa sidii ay usoo dhacsan laheed xaqeeda xoogga lagu haysto.

Wabillaahi Towfiiq
W/Q Eng. Kurtun Xasan