Murtad Muuse Biixi oo ah dabaqoodhigii dowladda Itoobiya siiyay qaybo ka mid ah xeebaha dalkeenna Somalia ayaa la dabaal-degaya dadka Itoobiyaanka ah, kaddib markii uu qalinka ugu duugay inay yeeshaan 20Km oo dhul Soomaaliyeed ah.

Sawirro laga soo qaaday mid ka mid ah ismaamullada waddanka Itoobiya ayaa muujinayay Muuse oo si wayn loogu soo dhawaynayo deegaanka Oromada oo ka mid ah ismaamullada Itoobiya.

Warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi ayaa sheegtay in axmaqan si wayn loogu soo dhaweeyay ismaamulka Oromada, si gaar ahna loo geeyay goobaha loo dalxiis tago gaar ahaan harada Waci, si ay halkaasi bulshada Itoobiyaanka ninkani ugu mahadceliyeen guusha uu usoo hoyay iyo riyada uu u rumeeyay.

Dadka Somaaliyeed ee muslimiinta ah ayaa si wayn kaga carooday ugana dhiidhiyay goโ€™aankii uu madaxa maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland Itoobiya ugu saxiixay heshiiskan xaaraanta ah ee uu kaga iibsaday khayraadka umadda Soomaaliyeed, Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaana wacad ku martay inaysan dhici doonin in taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed qay qabsadaan nasaarada xabashida, taasina ay ka horreyso dhiigga mujaahidiinta.