โ€‹Madaxweynaha maamulka isku magacaabey Somaliland Muuse Biixi ayaa Jabbuuti ku eedeeyay in ay gobolka Awdal ka abaabuleyso jabhado ka dhan ah Somaliland.

Muuse Biixi oo maalinnimadii Sabtidii warfidiyeenka la hadley waxa uu ka dhawaajiyey in jabhad cusubi ay ka hadlashey Jabbuuti isla markaana ay sheegtay in ay gobolkaa xoreynayso.
“Maalmahan waxaynu maqlaynay qolo jabhad ah oo Jabbuuti ka dhex hadleysa oo leh Awdal baanu xoreynaynaa, halkaa taa kamaanu filayn haddayse talo taa ka noqotey wixii ka dhashaanu eegaynaaโ€ Muuse Biixi.
Safaaradda Soomaaliya ee Jabbuuti oo uu safiir ka yahay Salaad Cali Jeelle ayaa iyaduna dhawaan soo dhaweyn u samaysay hoggaamiyaha koox la baxdey Awdal State oo uu hogaaminayo Cali Baxar. Djibouti ayaa maamulka SL ku cadaadinaysa ka laabashada goโ€™aankii MoU-ga ee 1-dii January sannadkan.
Dhanka kale waxa xusid mudan in markii MoU-ga lagu kala saxiixday Addis Ababa uu iscasiley Wasiirkii Gaashaandhiga SL Cabdiqani Caateeye kaas oo ka soo jeeday deegaan ahaan Djibouti.

Warsame Warfaa