Wax u eg aargoosi siyaasadeed ayaa lagula kacay mid kamida saraakiishii ugu sarreeyay sirdoonka DF-ka xilligii uu talada hayay Max’med Cabdullaahi Farmaajo. Dowladda Xasan Sheekh ayaa mar kale qaadday talaabo ka dhan ah saaxibada Madaxweynihi hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo kadib markii ay ilaaladii kala laabatay Cabdullahi kulane oo horay uga tirsanaaa Sirdoonka DF-ka hadane ah Xildhibaan kamid golaha baarlamaanka.

Ila wareedyo ayaa xaqiijinaya in Xassan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimihiisa Sirdoonka Mahad Salaad ay ka hor intii aysan maanta u dhoofin wadanka Imaaradka Carabta ay amar ku bixiyeen in ilaalada laga wareejiyo Xildhibaan Kulane Jiis.

Kulane ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooga ku xaqiijiyey arrintan isagoo ku tilmaamay mid aan saameyn ku yeelan dooninn howllihiisa shaqo.

” In lala noqdo ilaaladeenna gaarka ah nagama hor isgaageyso inaan shaqadeenna gudanno, namana cabsi galinayso”.ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Arintan ayaa imaaneysa xili bishii hore sidaan oo kale Xukumadda Xasan sheekh ay weerar ugu qaadday guriga Taliyihii hore ee Sirdoonka Fahad Yaasiin waxana talaaban lagu tilmaamay mid ka hor imaaneysa hadalkii Madaxweynaha DF-ka ee ahaa inuusan sameyn doonin wax aargoosi siyaasadeed ah.