Qaar ka mid ah dowladaha dabadhilifyada carabta ee qeybta ka ah duullaanka lagu soo qaaday dalka Soomaaliya ayaa billaabay in ay wadahadallo ka dhax furaan dowladda xabashida Itoobiya iyo kooxda Riddada Soomaaliya, kuwaas oo isku maandhaafay heshiiskii uu Muuse biixi qeyb kamid ah badda Soomaaliya ugu saxiixay Abiy Axmed.

Amiirka xukuumadda Riddada Qadar ninka lagu magacaabo Tamiin Bin Xamad ayaa sheegay in uu khadka taleefanka si iskumid ah ugula xiriiray Xasan gurguurte madaxa kooxda Ridada iyo Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha xabashida itoobiya.

Wakaaladda wararka ufaafisay Qadar ayaa sheegtay in hoggaamiyaha xukuumadda Dooxa uu labadan nin kula hadlay khadka taleefanka balse tafaasiil dheeraad ah kama bixin marka laga reebo in ay tiri โ€œlabada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladaha gobolkaโ€.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxa kooxda ridada soomaaliya uu dadaal ugu jiro sidii loo heshiisiin lahaa isaga iyo Abiy Axmed, dhowr madaxweyne ayuu bilihii lasoo dhaafay Xasan gurguurte ka codsanayay in ay heshiisiiyaan isaga iyo Abiy Axmed balse Itoobiya ayaa arrinkaas ka madax adeygaysay.

Lataliyaha dhanka amniga Xasan Gurguurte ayaa isbuucii lasoo dhaafay sheegay in ay rejaynayaan in ay wadahadal lagalaan Abiy Axmed inta aan lagaarin horraanta bisha June ee soo socota.

Kooxda Ridada ayaa 12 sano ka hor kumanaan kun oo katirsan ciidamada xabashida Itoobiya soo gelisay soomaaliya iyadoona weli xiriir dhan walba ah laleh xabashida, balse Xassan Gurguurte ayaa warbaahinta ka sheegay in uu ka carooday heshiiskii ay Abiy Axmed iyo Muuse biixi saxiixdeen kowdii bishii janaayo ee lasoo dhaafay, isaga oo fagaare ka sheegay in uu jeclaan lahaa in uu isaga saxeexo heshiiskaas balse uu kala hormaray Muuse Biixi.