Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaaayada Bakool, waxay maanta weerar culus oo qarax ah la eegteen maleeshiyaad ka tirsan Riddada oo ku sugnaa afafka hore ee saldhigga degmada Ceelbarde, waxaana qaraxaasi uu si gaar ah kaga dhacay goob ay ku qayilayeen maleeshiyaadka Riddada.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan qaraxa ah lagu dilay ugu yaraan saddex askari oo murtadiin ah, halka ay ku dhaawacmeen laba kale oo murtadiin ah.

Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee xero 1-aad ee degmada Diinsoor, halka howlgal qarax ah lagu beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah oo ku socdaalayay xaafadda Ban-khiyaano ee gudaha magaalada Baydhaba, hal askari oo murtad ah ayaana ku dhaawacmay howlgalkaasi.

Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhigga ciidamada Kufaarta Yugaandha ay kaga suganyihiin deegaanka Laanta-buure, halka weerar culus lagu miray saldhigga Riddada ee deegaanka Jaziira oo ah deegaan dhaca wadada xeebta ah ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo magaalada Marka.