Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax xooggan lagu beegsaday degmo kaabiga ku haysa deegaannada xuduudbeenaadyada ah.

Qarax xooggan oo ka dhacay afaafka hore ee saldhigga degmada Ceelbarde waxaa lala beegsaday maleeshiyaad dabaqoodhi ah xilli ku marqaamayeen maandooriyaha Khaatka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in 3 askari ay ku dhinteen qaraxa halka 2 kale ay dhaawacyo soo gaareen, Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan sida ay baahiday idaacadda Islaamiga Andalus.