โ€‹Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo khasaara dhaliyay oo ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qaraxyo shalay gelinkii dambe ka dhacay degmada Jalalaqsi ayaa sababay dhimashada sedax askari oo katirsanaa ciidamada maamulka isku magacaabay Hirshabelle.
Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah qaraxa ayaa ka dhacay barkoontarool oo ay maleeshiyaadku lacago uga qaadayeen gaadiidka dadweynaha.
Ugu yaraan 3 askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Salaad Axmed Weyraxoow,Xuseen Khaliif iyo mid kale oo magaciisa lagusoo gaabiyay Quluudo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in 2 askari ay dhaawacyo kasoo gaareen qaraxyada oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al Shabaab.