Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala gudaha Kenya iyo xadbeenaadka ayaa fuliyay weeraro isugu jira Qarax iyo Kamiin lala beegsaday askar katirsan dowladda Kenya iyo Maleeshiyaad taabacsan xukuumadda Nairobi. Haddaan ku horreyno weerarka qaraxa ah, waxa ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerarkaan ka fuliyeen qeybo kamid ah gobalka Lamu ee ku hoos jira gumeysiga Kenya, waxaana lala beegsaday gaari ciidan.

Kolonyo katirsan ciidamada Kenya oo kasoo baxay magaalada Kiyuunga kuna sii jeeday xerada Milatariga Sankuuri ayaa lala beegsaday qaraxaan. Gaari BG ah ayuu qaraxu haleelay, waxaana lagu dilay ugu yaraan 7 askari oo Keenyaan ah iyo dhaawac intaas ka badan, halka uu gabi ahaanba gubtay gaariga.

Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay xad-beenaadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya waxay ka fuliyeen weerar kamiin ah, kaas oo lagu beegsaday Maleeshiyaad daacad uโ€™ah xukuumadda Nairobi. Kamiinkaan ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Kaambooni iyo Oodow ee dhaca xad-beenaadka u dhaxeeya soomaaliya iyo Kenya. Ugu yaraan 2 askari oo kamid ah Maleeshiyaadka ayaa lagu dilay weerarkaan, halka lagu dhaawacay 2 kale.