Guutooyinka qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab waxay howlgal qarax ah la beegsadeen bar Controll oo maleeshiyo ka tirsan murtadiinta ay kaga sugnaayeen degmada Buulo-mareer ee wilaayada Sh/hoose, waxaana halkaasi laga soo wariyay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkan qaraxa ah ku dhintay ugu yaraan saddex xubnood oo murtadiin ah, halka ay ku dhaawacmeen laba askari oo kale, kuwa qaraxan ku dhintay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Tow-tow, Qallaafe iyo Lahelow, halka labada askari ee dhaawacyada qabana lagu kala magacaabo Siciid Cabdulle iyo Salaad Koolbe.

Dhanka Banaadir, ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta waxay xaafadda Haanta dheer ee ka tirsan Muqdisho qarax culus kula beegsadeen gaari Cabdibile ah oo ay wateen maleeshiyaadka Riddada, gaar ahaan qeybta qaabilsan la dagaallanka Xijaabka sharciga ah iyo Niqaabka Sharciga Gabdhaha Muslimaadka ah.

Saraakiisha ciidamada mujaahidiinta waxay Andalus u xaqiijiyeen in gaarigaasi uu burbur xoog leh soo gaaray , wixii askar ahaa ee la socdayna ay dhimasho iyo dhaawac halkaasi ku noqdeen.