Xoogag jihaadi ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro ka fuliyay degmooyin iyo deegaanno dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.
Weerarada oo isugu jiro qaraxyo iyo dagaallo toos ah waxay habeenkii xalay dagaalyahannada Al-Shabaab ka kala fuliyeen gobollada Banaadir iyo Jubbooyinka.

Weerarka hore oo qarax ahaa waxaa lala beegsaday fariisinka maleeshiyaadka DF ee xaafada Miniraayo degmada Kaaraan bariga Muqdisho, Waxaana dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay xaafadaha degmada.

Dhanka gobolka jubbada hoose ciidamada wilaayada Islaamiga ah ayaa xalay weeraray dhowr saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Kenya.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in iska hor’imaad culus uu ka dhacay deegaanka Taabto halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada soo duulayaasha Kenya, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas culus.

Isla Jubbooyinka waxaa warar dheeraad ah laga helayaa dagaal habeen hore Xoogaga ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen xerada ciidamada soo duulay ATMIS ee deegaanka Hoosingow waxaana xeradaas soo caga dhigtay diyaarad Helicopter ah taasi oo goobta ka daabushay meydadka iyo dhaawacyada askartii Kenyaatiga ah ee habeen hore halkaas lagu weeraray.