Sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa maanta lagu dilay iska hor’imaad xooggan oo maleeshiyo u abaabulan qaab beeleed iyo kuwa murtadiinta ku dhexmaray deegaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe, halkaas oo saaka uu ka ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Xaaji Cali, sarkaalka iska hor’imaadkan lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Maxamed Xaashi (Juuqlaawe), kaasi oo murtadiinta ugu magacownaa taliyaha ururka 3-aad ee waxay ugu yeeraan ciidanka Daraawiishta maamulka ashahaada la dirirka ah ee Hirhsbaeelle, darajadiisa ciidan ayaana lagu sheegay laba xidigle.

Ilo wareedyo ka tirsan deegaanka, ayaa xaqiijiyay in maleeshiyada qaab beeleedka u abaabulan ay dileen sarkaalkan ka tirsan maamulka uu madaxa ka yahay Cali Guudlaawe, kaasi oo hoggaanka u hayay maleeshiyada Hirshabeelle ee ay dagaallameen maleeshiyada kale ee deegaanka kasoo jeeda.

22-ka bishii ina dhaafay ee May ayay ahayd markii maleeshiyaadka loogu yeero macawiisleyda ay weerar jidgooyo ah u dhigeen maleeshiyaad ka tirsan murtaszqada uu Mareykanka tababaro ee danab, weerarkaasi oo ka dhacay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo ay ku dhaawacmeen 7 askari oo murtadiin ah, ciidanka Danab ayaana xilligaas Ceel-baraf loogu beegsaday aano qabiil.