Hoggaamiyihii Kooxda Shiishka(sniper) ee Yuhuudda ayaa wararku sheegayaan in la diley halka 16 askari oo kalena la dhaawacey ka dib iska caabbin ka dhalatey xoog ku gal ay sameeyeen ciidanka Yuhuuddu Xerada Jenin iyo Daanta Galbeed.

Iska hor imaadyada u dhexeeya Xarakada Xamaas iyo Yuhuudda duullaanka ku ah Falastiin ayaa galey maalintii 265aad. Idaacadda Raadyaha ee Yuhuudda ayaa sheegtay in sarkaalka sare ee lagu diley Jeniin uu u socdey si uu garab u siiyo askar kale oo qarax haleelay.

Miinooyin dhulka lagu rakibey ayaa halakeeyay ciidanka Yuhuudda sida laga soo xigtey dhanka muqaawimada iyo ciidanka duullaanka ah labada.

Dilka askarta Yuhuudda ayaa ku soo beegmaya xilli qaar kamida waalidka Yuhuuddu ay sheegeen in wiilashoodu kala kulmeen dhimasho iyo halaag argagax badan magaalada Qaza.

Xogaha qaar ayaa tibaaxaya in Falastiinyiintu kordhiyeen tabaha dagaal isla markaana ay tijaabinayaan gantaalo cusub. Falanqeeyayaasha dagaalku waxa ay xusayaan in khibrado cusub ay ka barteen dagaalka kooxaha muqaawimadu taas oo u saamaxaysa in ay dagaallami karaan muddo dheer.