Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa dhallinyaro mutacallimiin ah u qabatay tartan muhiim ah. Tartankan oo ka dhacay magaalada Jilib gaar ahaan xarunta jaamacadda Al-qimmah ayaa waxaa lagu baratamay aqrinta dhiganayaasha.

Waa tartan noociisu cusub yahay oo aaney jirin warbaahin Soomaaliyeed oo horey u qabatay. Qof walba waxa uu ku tartamay kitaab kamid ah kutubta la isla garan karo ee waaweyn ee cilmiga ah kaasoo uu muddo 15 daqiiqo ah kusoo koobayay nuxurkiisa.

Tartanka oo ay ka qeyb galeen mutacallimiin isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa waxaa laga faa’iiday xog iyo cilmi badan, waxaana taabagelisay Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbada Dhexe. Xalqada 3-aad waxaad ku dhageysanaysaan sida ay u dhacday munaasabadda lagu shaaciyay natiijada tartanka lahuna bixiyay abaalmarinada.

Kusoo dhawaada Qeybta 3-aad ee Tartanka

HOOS KALA DEG

03 Shaacinta Natiijada Tartanka Aqrinta Dhiganayaasha