Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax xooggan oo ciidamada shisheeyaha ATMIS lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/hoose. Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Marka ayaa sheegaya in qarax miino deegaanka Lambar60 lagula beegsaday kolonyo katirsan ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Uganda. ilo wareedyo ayaa xaqijinaya in qaraxa ay ku dhinteen illaa 3 askari oo katirsan ciidanka Uganda ee loo yaqaan UPDF.

Wararka ayaa intaas ku daraya in weerar toos ah lagu qaaday saldhigga ciidamada ATMIS ee deegaanka Laanta Buuro duleedka Afgooye. Dhinaca kale jihaadiyiinta Al Shabaab ayaa weeraro ku miray saldhigyo ay maleeshiyaadka dowladda Federaalka ku leeyihiin deegaanka Jaziira iyo magaalada Marka oo labaduba katirsan Sh/hoose.