Sawir hore Sheekh Nuur Macallin

ุฅู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆุฅู†ุง ุฅู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู† Rabbi ha unaxariistee waxaa maanta gelinkii dambe gobolka Jubbda dhexe ku geeriyooday mid kamida culimada Soomaaliyeed ee caanka ah.
Sheekh Nuur Macallim C/Raxmaan oo maalmahan xanuunsanaa ayaa geeriyooday sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelkiisa.
Wiil uu dhalay Sheekha ayaa SOMALIMEMO usheegay in Aabihiis uu geeriyooday isagoo dadkii la joogay utafsiirayay Suurtul Casri.

Wuxuu ku dhintay Isbitaalka guud ee degmada Bu’aale halkaas oo lagula tacaalayay xanuunkii hayay.

Sheekh Nuur ayaa muddo ku siman isbuuc laxanuunsanaa cudurka Sokorta balse maanta ayuu bareesharku ka dhacay kadibna waa geeriyooday.

Sanadadii lasoo dhaafay ayuu Kitaabo ka akhrin jiray magaalooyin katirsan gobolka Sh/dhexe, wuxuu ahaa Caalim kamid ah culimada Rabaaniyiinta.
Wuxuu ahaa Sheekh aan xaqqa qarin oo dadka ku boorin ku jiray barashada Shareecada Islaamka iyo ku dhaqankeeda.