Maamulka Sucuudiga ayaa qabtay Sheekh Xamdallah CabdilWali oo kamid ah culumada ugu caansan qawmiyada Muslimiinta Uighur ka ee degta gobolka Turkistaanta bari ee ay Shiinugu gumaystaan, waxayna u gacangeliyeen dawlada Shiinaha.

Sheekha oo ay Shiinuhu aad u raadinayeen sababo la xiriira inuu aad uga hadlo dhibaatada Muslimiinta ku haysata Turkishtaanta bari ayaa wuxuu Sucuudiga u yimid si uu u Xajiyo balse ciidamada Sucuudiga ayaa afduubay kadibna Shiinaha u dhiibay.