Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutukade oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus kaga warbixiyay weerar dhabba-gal ah oo maalin ka hor ka dhacay duleedka degmada Ruunirgood.

Waaliga ayaa sheegay in weerarka dhabba-galka ah lagu beegsaday maleeshiyo ka kooban haraadiga maleeshiyaadkii Riddada ee lagu soo dhaqan xumeeyay Eritrea iyo maleeshiyo kale oo laga keenay Muqdisho, kuwaas oo ku howlanaa inay dhibaateeyaan dadka rayidka ah, balse mujaahidiintu u qorsheeyeen weerarkan 9 askarina goobta looga dilay, 7 kalena looga dhaawacay, 7 qorina ay mujaahidiintu weerarkaasi kusoo furteen.

Sh Yuusuf Sheekh Ciise, ayaa sidoo kale ka jawaabay suโ€™aalo laga waydiiyay halka uu ku dambeeyo duullaankii uu Gurguurte ku qaaday qaybo ka mid ah wilaayadiisa iyo dagaal beeleedyada saliibiyiintu hurinayaan ee u dhaxeeya qaar ka mid ah qabaaโ€™ilka Soomaaliyeed.

Halkan Ka Dhagayso Waraysiga Sheekh Kabakutukade