โ€‹Waxaa fashil iyo guuldarro kusoo idlaaday wadadahallo wadanka Turkiga uga socday dowladda Xabashida Itoobiya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wadahadalladan oo ay garwadeen ka aheyd xukuumadda dabadhilifka Turkiga ayaa ujeedka laga lahaa uu ahaa in Xabashida Itoobiya lasiiyo qeybo hor leh oo kamid ah badda soomaaliyeed.

Afar mas’uuliyiin Atraak ah ayaa shabakadda Middle East Online ushegay in aan wax natiija ah laga filanayn wadahadalladan sababa laxiriira Itoobiya oo ku madax adeygaysa fulinta heshiiskii xaaraanta ahaa ee uu Muuse Biixi ku siiyay qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

Abiy Axmed ayaa doonaya in uu soo dhaqaajiyo ciidamadiisa badda ee uu diyaarsaday si ay saldhig uga sameystaan degmooyinka Lughaye iyo Zaylac ee gobolka Awdal waqooyiga Soomaaliya.

Labo kamid ah Afarta mas’uul ee Middel Easta online ay soo xigatay ayaa aaminsan in dowladda Xabashida aysan daacad ka aheyn in xal laga gaaro xurgufta kala dhaxaysa DF-ka.

Dhinaca kale xisaabaat dhanka baraha bulshada ah oo si aad ah ugu dhow xafiiska Abiy Abiy Axmed ayaa soo tebiyay in Itoobiya ay diiday soo jeedin rasmi ah oo katimid DF-ka taasi oo aheyd in Addis Ababa ay qaadato dekadda Hobyo taas bedelkeedna ay ka tanaasusho heshiiskii ay lagashay Muuse Biixi ayna ka horto damaca aqoonsiga maamulka Somaliland.

Xasan Gurguurte ayaa isna markii ugu horraysay goob fagaare ah ka xaqiijiyay in kooxdiisu ay wadahadal lagashay dowladda Itoobiya isagoona muujiyay niyad jab maadaama madaxda Xabashidu ay diideen in ay ka laabtaan heshiiskii badda lagusiiyay.

Madaxweyne Xasan ayaa ku calaancalay in Itoobiyaanku ay madax adeygayaan, wuxuu qiray in wadahaallo qarsoodi ah ay horay uga dhaceen magaalada Nairobi ee dalka Kenya islamarkaana wadahadalladaas ay fashilisay dowladda Itoobiya.

Sidoo kale shabakad warbaahineed oo rasmi ahaan looga leeyahay Itoobiya ayaa sheegtay in Abiy Axmed uu diiday in uu wax gorgortan ah kagalo arrinta dekadda Zeylac