Dhulka Filastiin oo uu ku yaalo masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa oo ahaa qiladii koowaad ee muslimiinta, iyo halkii loo dheelmiyay Nabigeena Muxammad Salla-llaahu caleyhi wasallam, ayaa muslimiinta uga dhigan qadiyad mideysa oo weyn, mana ahan mid ku kooban muslimiinta carbeed ee dega oo keliya.

Sidaasi darteed markaad dib u eegto taariikhda, waxaad arkeysaa in xoreynta iyo difaacidda dhulkan ay qeyb ka ahaayeen jinsiyadaha kala duwan ee muslimiinta, hogaamiyihii halyeyga ahaa ee Salaaxu-diin Al-Ayuubi ee Saliibiyiinta ka xoreeyey dhulkan ayaana ahaa hogaamiye cajami ah oo aan carab u dhalan.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii Yahuuddu xoog lagu deegaameeyey dhulka Filastiin, kana dhisteen dowlad ku sheegooda sanadku markuu ahaa 1948-dii, iyagoo taageero iyo kaalmo ka helaya Maraykanka iyo Ingiriiska, waxay muslimiinta caalamka billaabeen halgan ay ugu xusul duubayaan sidii markale loo xoreyn lahaa dhulkan muqadaska ah.

Hogaamiyaashii halyeeyada ahaa ee soo maray umadan ee dunida ka tagay iyo kuwa weli nool ayaa bowslada siraaca iyo JIhaadka ay umaddu ku jirto ka dhigay xoreynta Beytul Maqdas, Alle ha u naxriiste sheikh Caballa Cazzaam iyo Sheekh Usaama bin Laadin ayaana kumanaanka dhalinyarada muslimiinta ah ee isugu tagay Afqaanistaan iyo guud ahaan muslimiinta caalamka markale dareensiiyay mudnaanta ay leedahay qadiyadda Filastiin.

Inkastoo muslimiinta aaney waqti badan ku qaadan lahayn iney kala daadiyaan Yahuudda aan weli ku xidideysanin dhulka Filastiin, hadana waxaa hortaagan oo lagu salladay xukuumado ku daaban Shisheeyaha oo an maqli karin ereyga Jihaad, taasina waa mida keentay in kudhawaad hal qarni ay weli Filastiin ka maqantahay gacanta Muslimiinta.

Wixii ka dambeeyay howlgalkii Duufaanta Al-Aqsaa ee 07-da October 2023-da ay kooxaha Muqaawamada Filastiin ku qaadeen deegaannada Yahuudda xooga lagu deegaameeyey ee dhaca xeyndaabka Qazza, iyo tallaabadii xigtay ee duullaanka Yahuudda ee marinka Qazza, waxay markale qadiyadda Filastiin qabsatay raโ€™yu caamka guud ee caalamka Islaamka iyo xitaa kan reer galbeedka.

Reer Filastiin gaar ahaan reer Qazza oo uu ku socdo bishii sideedaad oo xiriir ah gumaad wuxuushnimo ah oo uga imaanaya Yahuudda, ayaa la kulmay khudlaan aan horey loo arag loona suureysanin oo uga yimid walaalahooda muslimiinta ah.

Xuduud ahaan dadkii ugu dhawaa reer Filastiin oo ah muslimiinta Masar, Lubnaan, Suuriya iyo Urdun ayaan qaadin tallaabadii looga baahnaa oo ahayd iney xuduuda awood kaga gudbaan, kana garab dagaallamaan walaalahooda, caqabadda ugu weyn ee arinkaas ka hortaaganna waa ciidamada ilaalada xuduudaha ee dalalkaas ee loo dhisay sugidda amniga Yahuudda.

Dhagayso Warbixin_Muslimiinta_Afqaanistaan_iyo_kaalintooda_ku_aadan_Reer Qazza