Sirdoonka Turkiga ayaa warbixin uu soo saaray ku caddeeyay in ay gacanta ku dhigeen 5 qof Iiraanyihiin ah iyo shaqaale Turki ah kuwaas oo dhammaantood iska kaashanaya sidii loo beegsan lahaa dalxiisayaal Yahuud ah oo ku tamashlaynayay magaalad Istanbuul. Telefeshinka 11aad ee maamulka Yahuudda ayaa bishii lasoo dhaafay sheegay in Turkigu uu fashiliyay qorshe weyn oo sirdoonka Iiraan uu ku beegsan lahaa dad Yahuud ah oo ku sugnaa magaalada Isntanbul.

Xiriirka udhaxeeya dowladda dabadhilifka Turkiga iyo Yahuudda ayaa sii xoogeysanayay sanadadii lasoo dhaafay madaxweynaha Yahuudda ayaa sanadkan gudihiisa booqday magaalada Ankara halka wasiirka arrimaha dibadda Turkiga uu booqday Yahuudda.

Labada maamul ayaa saxiixday heshiisyo amni iyo kuwa dhaqaale oo lagu xoojinayo sii jiritaanka kiyaanka Sahyuuniga ee xoogga ku haysta dhulalka Falasdiin.