Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujinaysa in ay sii yaraanayso awoodeeda qaaradda afrika iyo saameynta ay ku leedahay isbedellada ka curtay qaar kamid ah dalalka qaaradda.

Taliska ciidanka AFRICOM ee saldhiggiisa ugu weyn uu kuyaal dalka Jabuuti ayaa wajahaya taxadiyaad ballaaran sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin American ah.

Isbuucii lasoo dhaafay ciidamada Mareykanka ayaa dhameystiray ka bixitaankooda dalka Niger ee dhaca galbeedka afrika kadib amar ugu yimid xukuumadda melleterigu gacanta ku hayo ee talada dalka inqilaabka kula wareegtay.

Saldhiggan oo kuyiilay magaalada Agaadiis waxaa ka howlgelayay inkabadan 1000 askari kuwaas oo qeyb ka ahaa xamlada saliibiga ah ee lagu qaaday muslimiinta saaxilka gaar ahaan dalalka Maali,Niger iyo Burkiina Faaso.

Michael McCaul oo katirsan xildhibaannada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga si aad ahna ula socday arrimahan ayaa ka dardaar weriyay in siyaasadda Washington ee qaaraddan ay meesha ka bixi doonto.

Wuxuu tusaale usoo qaatay in dowladda shiinaha oo loollan dhaqaale kula jirta Mareykanka ay si xowlli ah isugu fidinayso qaaradda afrika, wuxuu sheegay in Mareykanku uu arrimo melleteri iyo iskaashi amni oo kaliya uu la saxiixday qaar kamid ah dowlada afrika arrinkaasna uusan wax faa’iida ah keenin.

Su’aalo dhowr ah oo laga weydiiyay kaalinta taliska AFRICOM uu ku leeyahay qaaradda ayuu dhaliillo xooggan soo jeediyay.

Mas’uulkan American ah ayaa tusaale nool usoo qaatay in duullaanka Mareykanku uu ka wado Soomaaliya iyo ku lug lahaanshiyaha dagaalka waxa loogu yeero Argagaxisada uu yahay mid gacma daalis ah islamarkaana ay siyaasad khaldan wajahayso wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka oo iyadu maamusho taliska AFRICOM.

Michael McCaul ayaa carabaabay in safaarada Mareykanka ee magaalada Muqdisho ay tahay midda ugu khatarta badan caalamka dhanka amniga heer ay gaartay in saraakiisha American-ka ay awoodi waayeen in ay ku dhax socdaalaan magaalada.

Wuxuu walaac daran ka muujiyay awoodda shabaabul mujaahidiin iyo saameynta ay ku leedahay geeska afrika gaar ahaan soomaaliya.

Al Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro laayaan ah ku qaadday saldhigyo ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalalka kenya iyo Soomaaliya.

Dowladaha Ruushka iyo shiinaha ayaa iyana Mareykanka udaba maryeeyay dhowr dal afrikaan ah oo uu joogitaan ku lahaa sida mandiqadda saaxilka oo inteeda badan reergalbeedka nufuudoodii lagala wareegay.