โ€‹Taliska ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku dhawaaqay in sodon maalmood gudahood lagusoo afjari doono awoodda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

War rasmi ah oo kasoo baxay Jeneraal Maadeey Sheekh Nuur taliye ku xigeenka ciidanka melleteriga dowladda ayaa lagu sheegay in bishan Juun gudaheeda Al Shabaab laga saari doono guud ahaan dalka Soomaaliya.
Taliye ku xigeenka ayaa ku faanay in furimaha dagaalka lagu diyaariyay kumanaan kun oo askari kuwaas oo hoggaanka dowladda ka sugaya in ay xabadda billaabaan.
“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed maanta waxay sugayaan kaliya in la dhaho xabadda bilaaba, xiligaan aan idinla hadlaayo ciidanka qeyb kasta meeshii loogu talagalay ayey ku sugan tahay, anaga iyo Shabaab bishaan Juun islama dhaafi doono insha allahโ€ ayuu yiri Taliye ku xigeenka ciidanka melleteriga Maadeey Sheekh Nuur.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanaddii 2023 uga dhawaaqay degmada Dhuusamareeb in bilaha Octomber iyo November ee sanadkaas lasoo afjaro Al Shabaab hadalkaas oo malaayiin Soomaali ah ay ku maadaystaan.