Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.
Dablay hubaysan ayaa shalay degmada Caabudwaaq ku dilay Col. Faarax Cumar Geelle oo ahaa taliye ku xigeenkii sirdoonka DF-ka ee qeybta ‘Galmudug’.

Wararka ayaa intaas ku daraya in isla shalay Caabudwaaq lagu dilay illaa 3 ruux oo ladhashay taliye ku xigeenkii sirdoonka,illaa iyo hadda ma cadda sababta dadkan loo laayay.

bilihii lasoo dhaafay waxaa degmada Caabudwaaq iyo deegaannada hoos yimaad ka dhacayay dilal ku salaysan aanooyin qabiil.