Hey’adda waxa loogu yeero socdaalka adduunka ee taabacsan Qaramada Midoobey ayaa shaaca ka qaaday, in ay kordheen tirada dadka ku dhintay doon ay la socdeen dad tahriibayaal ah oo ku qallibantay xeebaha dalka Yeman.

Tirada dhimashada ayay sheegtay iney gaartay ilaa 49 ruux, halka wali la’yahay 140 ruux oo kale, kuwaas oo kamid ahaa dadkii saarnaa doonta qallibantay.

“Ugu yaraan 49 ruux ayaaa ku dhimatay, 140 kalena waa lagu la’yahay doonta qallibantay oo ay lasocdeen 260 ruux oo Tahriibayaal ah, taas oo ku rogmatay xeebaha magaalada Shabwah ee galbeedka dalka Yeman” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay hey’adda.

Iyadoo soo xiganeysa dad ka badbaaday Musiibadaan ayay hey’addi sheegtay, in doonta ay saarnaayeen 115 ruux oo Soomaali ah iyo 145 kale oo kasoo jeeda dalka Itoobiya, kuwaas oo aroornimadii Axadda kaasoo baxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Warbixinno hore oo laa baahiyay ayaa tibaaxayay in 39 ruux ay ku dhinteen musiibadaan, sidoo kalena lagu la’yahay 150 kale, balse waxaa sare ukacay tirada dhimashada.

Dalka Yeman ayaa lagu tiriayaa wadamada marinka u ah dadka tahriibayaasha ah, haba ugu baadnaadaanee Soomaalida iyo Itoobiyaanka, kuwaas oo doonaya iney dalkaasi uga sii gudbaan wadamada Khaliijlka.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay 97,000 oo tahriibayaal ah ayaa sanadkii hore gaaray Yemen, kuwaasoo ka yimid qaar kamid ah wadamada ku yaalla Geeska Afrika.

Hey’addu waxay sheegeysaa in inkastoo dalka Yeman uu muddo 10 sano ka badan marti galinayo dagaallo culus, iyo xiisadihii ugu dabeeyay ee ka taagan Badda Cas, uu haddana dalkaan sannadkaan gudihiisa qaabilay koror la xiriira dadka tahriibayaasha ah ee ka imaanaya wadamada dhaca qaaradda Africa.