Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga jelayaa dab xooggan oo aroornimadii hore ee shalay ka kacaydhisme dabaq ah oo la dagan yahay kuna yaalla degaan dhaca koonfurta dalka Kuweyt.

Warbaahinta rasmiga ah ee Kuweyt ayaa shaaca ka qaaday, in ugu yaraan 35 ruux ay ku dhinteen dabkaan oo ka kacay dhisme ku yaalla Mandiqadda Al-Manqaf ee dhacda koonfurta dalka Kuweyt.

Saxiifadda Al-Qabas ee kasoo baxda dalkaas oo soo xiganeysa gudoomiyaha waaxda dambi baarista ee dalka Kuweyt ayaa sheegay, in tirada dadka ku dhintay dabkaan ka kacay dhismaha ku yaalla Mandiqadda An-Manqaf ay kor udhaaftay 35 ruux, halka kuwa kale oo dhacyo qabana isbitaalka la dhigay.

Waxa uu intaa ku daray iney socdaan baaritaanno lagu ogaanayo dalalka ay kasoo kala jeedaan dadkaan ku dhintay musiibadaan iyo waliba asbaabaha keenay in dabku uu ka kaco dhismaha.

Dhankeeda wasaaradda caafimaadka ee dalka Kuweyt ayaa sheegtay, in isbitaalka lasoo gaarsiiyay 43 ruux, kuwaas oo qaarkood qaba dhaawacyo halis ah.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha internetka ayaa muujinaya, dhismaha oo ka kooban illaa dhowr dabaq oo uu dabku ku faafayo qeybihiisa kala duwan.

Goordambe ayaa lagu guuleystay in dabka la damiyo, waxaana dhismaha lasoo warinayaa inuu ka koobnaa illaa 6 dabaq, kuwaas oo intooda badan uu dabku saameeyay.

Baaritaanno horudhac ah oo la sameeyay ayaa tilmaamaya, in dabku uu ka dhashay qeybta keydka ee dabaqa ugu hooseeya dhismaha, taas oo keentay inuu dbku kusii faafo dhismayaaasha kale.