Guddoomiyaha maamulka Riddada ah ee gobolka Bakool, murtad Maxamed Cabdi Tool ayaa walaac xooggan ka muujiyay awoodda ciidan ee mujaahidiinta Al-shabaab iyo bixitaanka ciidamada kuffaarta.

Murtadkan ayaa waraysi uu bixiyay ku sheegay in gobolka Bakool uu qarka u saaran yahay inay la wareegaan ciidamada mujaahidiinta Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in haddii ciidamada saliibiyiinta xabashida Itoobiya ay ka baxaan deegaannada uu maamulkiisa ka arrimiyo ee gobolka Bakool ay si fudud mujaahidiintu ku qabsan doonaan magaalooyinka gobolkaasi, taasi oo keeni doonta buu yiri inay qaxooti noqdaan siyaasiyiinta iyo maleeshiyada maamulkaasi.

Murtad Tool ayaa ka mid ah qabqableyaashii saliibiyiinta xabashida Itoobiya kusoo hoggaamiyay Somalia, waxayna sannado badan ku ilaalinayaan xafiiska uu ka maamulo gobolka Bakool ee degmada Xudur, waana nin dabadhilif ah oo caan ku ah jacaylka nasaarada xabashida.

Hadalkan kasoo yeeray murtad Tool, guddoomiyaha maamulka Riddada gobolka Bakool, ayaa kusoo beegmay xilli siyaasiyiinta iyo madaxda dabadhilifyada murtadiinta ah ay walaac aad u daran ka muujinayaan bixitaanka ciidanka kuffaarta Afrikaanta, taas oo keeni karta bay dhaheen inay mujaahidiintu qabsadaan magaalooyinka dalka, ayna dhici doonto wax la mid ah wixii ay marti gelisay Afghanistan kolkii ay ciidamada mujaahidiinta Imaarada islaamiga ah jabiyeen isbahaysigii saliibiga ee uu Maraykanku hor boodayay.