Waxa loogu yeero Golaha ammaanka ee Q.Midoobay ayaa xalay kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda kooxda Ridada Soomaaliya iyo marxaladda kala guurka ah ee uu dalku marayo waxay muujiyeen walaaca ay ka qabaan howlgallada jihaadiga ah ee mujaahidiinta.

Ugu horrayn James Swan, oo ah ninka Q.Midoobay wakiilka uga ah duullaanka Saliibiga Soomaaliya ayaa warbixin uu ka hor jeediyay golaha wuxuu ku sheegay in uu ka welwelsanyahay camaliyaatka mujaahidiinta Al Shabaab ee ka socda dalka Soomaaliya.

James Swan ayaa soo hadal qaaday xasaradaha siyaasadeed ee ka dhaxtaagan kooxda ridada iyo saameynta ay ammaanka murtadiinta ku yeelan doonaan insixaabka ciidamada kufaarta afrikaanta ah.

Waxa loogu yeero Golaha ammaanka ayaa kulankoodi xalay ka dhacay magaalada New York ku sheegay in ay k niyad jabsanyihiin suurtagalnimaa in kooxda ridada ay la wareegi wayso amniga dalka marka ay baxaan ciidamada calooshood ushaqeystayaasha ah.

waxay sheegeen in bixitaanka ciidamada afrikaanta oo soo dhowaadau iyo in aan weli laheyn damaanad qaad buuxa oo ku saabsan qarashka ku baxaya howlgal cusub oo soomaaliya looga dhawaaqo uu caqabad weyn ku yahay mashaariicda ashahaadda ladirirnimo ee ay ka wadaan soomaaliya.

James Swan oo ah ergayga Q.Midoobay uqaabilsan Soomaaliya ayaa carrabaabay in bishan gudaheeda ay ciidamada afrikaanta ATMIS ka baxeen dhowr saldhig islamarkaana isbuucyada soo socda dalka ka bixi doonaan boqolaal askari.

walaaca ugu daran ayuu ka muujiyay sida uu xaalka Soomaaliya noqon doono marka lagaaro sanadda 2024 kolkaas oo uu soo idlaanayo howlgalka Afrikaanta.

Golaha gaalada midowday ayaa shaki geliyay sida uu dhaqangal unoqon doono heshiis ay gaareen kooxda ridada soomaaliya iyo midowga Afrika kaasi oo dhigayay in horraanta sanadda 2025-ka ladhiso isbahaysi cusub oo ka kooban 12 kun oo askari afrikaan ah kaasi oo sii shaqeyn doono muddo sanad ah.

Q.Midoobay waxay sheegtay in illaa iyo hadda aysan hayn cid damaanad qaadday qarashka ku baxaya howlgalka cusub ee calooshood ushaqeystayaasha afrikaanta iyo kooxda ridada ay isku waafaqeen.