Warbixin dheer oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in koox lagu magacaabo Proud Boys ama wiilasha faanka badan ay ku jiraan diyaar garow xoogan oo ay dib isugu abaabulayaan, sidii ay markale Donald Trump oo u tartamaya xilka madaxtinimada ku geyn lahaayeen aqalka Cad ee Maraykanka.

Warbixinta ayaa tilmaameysa in kooxda ay ku jirto diyaar garow xoogan, iyadoo qoraneysa shakhsiyaad cusub oo ciidamo u noqda kooxda, si haddii aanu Trump ku guuleysan doorashada ay iyagoo adeegsanay awood milliteri ku fadhiisiyeen kursiga aqalka Cad ee Maraykanka.

Afar sano kadib oo laga joogo isku daygii fashilmay ee lagu doonayay in lagu bedelo natiijada doorashada madaxtnimada ee Maraykanka, islamarkaana xubnaha kooxdu ay xoog ku jiireen aqalka Congreska Maraykanka, waxay hadda kooxdu wadaa abaabul xoog leh oo intiisa badan ka socda barta Internetka, iyadoo qoraneysa ciidamo horleh.

Qoraaga warbixintan ay daabacday wakaaladda Reuters ayaa tilmaamaya in xogta warbixinta uu ku dhistay waraysiyo uu la yeeshey shakhsiyaad kamid ah kooxda Proud Boys, masuuliyiin katirsan laamaha dowladda iyo khubaro dabagal xaga Internetka ah ku haya dhaq-dhaqaaqa kooxdan.

Afar kamid ah hogaamiyaasha kooxdan ayaa lagu xukumay min 15 sano oo xarig ah, kadib markii lagu eedayay iney iyagu hogaamiyeen weerarkii xoog kugalka ahaa ee aqalka Capitol, halka 70 ruux oo xubno ka ahaa kooxdana lagu eedayay iney ku lug lahaayeen qulqulatooyinkii xigay doorashadii uu kusoo baxay Biden, welina waxaa jira boqollaal kale oo baaritaanno lagu hayo.

Waxay tilmaamayaan xubnaha kooxdan ee banaanka jooga iney hadda ku jiraan diyaar garow kama dambeys ah, si ay difaac ugu noqdaan Trump, iyagoo sheegaya iney la dhacsanyihiin afkaartiisa qowmiga ee xagjirnimada ah, haddii uu doorashada kusoo baxana ay hubaan in cafis loo fidin doono masuuliyiintooda ku jira jeelasha Ameerika.

Jooli Faarnam oo horey usoo noqotay gacan yaraha madaxa sirdoonka aqalka Capitol, hadana hgaamisa wakaalad baaritaan oo gaar loo leeyahay ayaa sheegeysa in waxa ugu weyn ee dhiirogelinaya kooxda isku magacwday wiilasha faanka badan ay tahay iyagoo rajo ka qaba in la cafiyo masuuliyiintooda, haddii uu Trump noqdo madaxweynaha dalka.

Waxay warbixinta Reuters soo qaadaneysaa kalimaad iyo hadallo ay baraha bulshada soo dhigeen masuuliyiin katirsan kooxda Pourd Boys oo tilmaamaya in dalku uu marayo degnaanshaha yar ee ka horeeya gilgilashada, sida ay tilmaamayaan.

Wixii ka dambeeyay maalintii Khamiista oo Trump eedo waaweyn usoo jeediyeen garsoorka dalka Maraykanka, wuxuu maamulaha faraca kooxda nee gooblka Ohaayo uu ku goodiyay dagaal, isagoo faafiyay muuqaallo muujinaya howlgallo qarbudadaad ah oo uu horey u geystay, wuxuuna warkiisa kusoo khatimay โ€œ dagaalka ayaa ah xalka wax weliba oo taaganโ€.

Dhagayso Halisyada_ku_xeeran_doorashada_madaxtinimada_Maraykanka