“Xukumada Soomaaliya ayaa raadineysa taageero cusub oo dibadda ah, iyadoo laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay la wareegto maamulka wadanka” ayaa cinwaan looga dhigay warbixin uu mawqica Monitor ka qoray xaalada Soomaaliya, iyo taxadiyaadka ay wajahayso DF-ka.

xili uu soo dhawaaday waqtiga laqrosheeyay in isbihaysiga ATMIS uu isaga baxo Soomaaliya,khubarada ayaana saadaalinaysa in dalka ay kasoo kusoo wajah an yihiin dhacdooyin lamid ah kuwii uu martigaliyay Afgaanistaan mudo laga joogo labo sano.

Warbixinta ayaa ugu horrayn soo hadal qaadaysa gulufkii ay xukumada Xasan Gurguurte kusoo qaaday deeganda wilaayaadka islaamiga ah bartamihii sanadkii 2022, iyadoo maleeshiyaatka dowladda ay kor ka taageerayeen diyaaradaha dagaalka Maraykanka iyo kuwa Turkida balse isku ayadidaasi ay labo sano kadib kusoo idlaadeen fashil iyo guuldaro.

“Sababo ku aadan khasaaraha baaxadleh ee ciidanka dawlada ee aan khibarada lahayn soo gaaray oo ay ku jirto dilka saraakiil sarrsar,e waxay Al-Shabaab lixdii bilood ee la soo dhaafay u suurtagashay inay meesho ka saarto dhammaan guulihii ay dowladda ka gaartay gobollada dhexe ee Soomaaliya” ayuu yiri sargaalka Amerikaan ah oo ay warbixintu soo xiganays.

Websaytka Monitor ayaa wabixintiisa kusoo hadal qaadaya awooda Xarakada Al-Shabaab ee sii xogaysanaysa, waxayna warbixintu tilmaamaysaa in Jihaadiyiintu ay taageero badan heleen kadib markii uu dhacay heshiiskii Muusa Biixi xabashida ku siiyay badda Soomaaliya, qabaa’illada Soomaaliyeed ayuuna sheegayaa in ay la dhacsanyihiin hab maamulka mujaahidiinta ee dhaqangalinaya shareecada Islaamka.

Mar ay Monitor ciwan ka dhigatay “AFGAANISTAAN KALE” ayey sheegaysaa in mash-had lamid ah kii Afgaanistaan uu kasoo bidhaamayo Soomaaliya, dawladaha Reer-Galbeedkana ay ku khasaareen lacagaha balaayiinta ee ay ku bixiyeen Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeedna ay ku qanacsanyihiin adeega dawladeed ee ay bixinayso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

“Dad badan oo Soomaaliyeed oo ka niyad jabsan musuqa iyo nin jeclaysiga ragaadiyay nidaamka Garsoorka Soomaaliya ayaa hadda door biday in ay cadaalad u raadiyaan Maxkamadaha Shareecada ee Al-Shabaab, tani waxay sababaysa xaalad la mid ah qalalaasihii Afgaanistaan โ€‹โ€‹ka dhacay 2021, markii Taliban ay afgambiyeen dowladda ayna ku dhawaaqaan imaaro Islaami ah. Falanqeeyayaasha reer galbeedka ayaa ku baaqay in la qaado tallaabo degdeg ah si looga fogaado suurtagalnimadan in ay Soomaaliya ka dhacaan wax lamid ah wixii ka dhacay Afgaanistaan” ayey leedahay warbixinta.

Taqriirkaan uu daabacay mawqica Monitro ee ka faallooda arimaha bariga dhexe ayaa qayb ka noqonaya daraasad iyo warbixino ay warbaahinta gobolka iyo mida caalamiga ah ay ka qorayeen xaaladda Soomaaliya, sababo ku aaddan bixitaanka ciidamada Afrikaanta oo gabo gabo ku dhow iyo mustaqbalka nidaamka dabadhilifka Soomaaliya uu mugdi ku jiro , inbadan oo kamid ah falanqeeyaasha Reer-Gaalbedkuna ay saadlinayaan in shacabka Soomaaliyeed ay mustaqbal wanaagsan usoo ifiyo kadib bixitaanka sibihaysiga saliibiga ah ee dalka ka hirgaliyay nidaam dabadhilif faasid ah.