Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa walaac ballaaran ka muujinaysa qorshaha lagu dhimayo ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

Maalinba maalinta ka dambeysa marka uu soo dhowaado waqtiga loo asteeyay bixitaanka ciidanka shisheeye ayay sare usii kacaysaa cabsida ay dowladda Xasan Gurguurte ka qabto in arrinkaas uu saameyn xun ku reebo.

Xerada Xalane waxaa ka socda kulamadii ugu dambeeyay ee go’aan looga gaarayo saaridda 2,000 oo askari kuwaas oo dabayaaqada bishan isaga huleeli doono Soomaaliya.

C/qaadir Max’med Nuur (Tiktok) oo ku magacaaban wasiirka G/dhigga DF-ka ayaa xalane gaaray wuxuuna kulan laqaatay James Swan oo ah Ergayga cusub ee waxa loogu yeero Q.Midoobay uqaabilsan Soomaaliya.

Ninkan oo ah xaakimka gummeysiga Soomaaliya ayaa gacanta ku haya malafaatka arrimaha amniga DF-ka iyo dhammaan maamul goboleedyada sidoo kale waa ninka go’aanka kama dambaysta ah ka gaaraya ciidanka ATMIS.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in DF-ka ay James Swan ugudbisay walaaceeda ah in jihaadiyiinta Al Shabaab ay weeraro culus soo qaadaan ka hor dhammaadka bisha December ayna lawareegaan deegaanno istiraatiiji ah.

Q.Midoobay ayaa ugu baaqday DF-ka in ay diyaariso ciidamadii lawareegi lahaa deegaannada laga saarayo ciidamada Afrikaanta ee ATMIS loo yaqaan.

Dhowr jeer oo kooxda Villa Somalia ay sheegtay in ay diyaar u tahay lawareegidda amniga goobaha ay ka baxaan ciidamada shisheeye ayay ku fashilantay balse wuxuu fashilkeedu banaanka usoo bixi doonaa marka lagaaro bisha September ee sanadkan kolkaas oo kumanaan katirsan ciidanka ATMIS dalka laga saari doono.

Falanqeeyaal isha ku haya arrimaha Soomaaliya ayaa aamisan in haddii ciidamada shisheeye ay dalka isaga huleelaan ay jihaadiyiinta Al Shabaab ridi doonaan dowladda dabadhilifka ah ee taangiyada Afrikaanta hoos harsan jirtay.