Qarax xoogan ayaa ka dhacay afaafka saldhiga ciidamada ee magaalada Ceel-barde ee gobolka Bakool, oo kamid ah magaalooyinka ay ciidamada Itoobiya kaga suganyihiin gobolkaas.

Qaraxa ayaa si gaar ah u beegsaday askar katirsan maamulka Koonfur galbeed, waxaana goobta ka dhashey khasaare gaaray ciidankii la weeraray.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarka ayaa tilmaamtay iney halkaasi ku dishey 3 askari oo katirsan ciidamada maamulka Koonfur galbeed, halka ay qaraxa ku dhaawacmeen 2 askari oo kale.

Ceel-Barde ayaa kamid ah degmooyinka gobolka Bakool ee ku jira gumeysiga Xabashida Itoobiya, waxaana ay saarantahay xuduud beenaatka kala qeybiya Soomaaliya iyo dhulka Soomaali galbeed ee ku jira gumeysiga Xabashida.