Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar hubaysan oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Jubbada hoose. Wararka ka imaanaya duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ay weerar jidgal ah udhigeen maleeshiyaad ku socdaalayay halka loo yaqaan dhulbaraha.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in weerarka lagu dilay 1 askari halka uu dhaawac soo gaaray tiro kale.

Dhinaca kale weeraro culus ayaa xalay lagu qaaday saldhigga ciidamada ATMIS ee deegaanka Laantabuuro, sidoo kale saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin xaafadda Buula Fooliyo ee degmada Afgooye ayaa weerar culus lakulmay.