Ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa weerar culus oo kammiin u dhigay gaari ciidan oo ay la socdeen maleeshiyaad murtadiin ah oo daacad u ah dowladda saliibiyadda ah ee Kenya, halkaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen maleeshiyada weerarka lala beegsaday.

Kamiinka oo ahaa mid qorsheysan, waxay ciidamada mujaahidiintu si gaar ah maleeshiyada murtazaqada u ah dowladd Kenya kula eegteen inta u dhaxaysa deegaannada Kaambooni iyo Oodow oo wada dhaca xad beenaadka u dhaxeeya soomaaliya iyo Kenya, waxaana inta la xaqiijiyay weerarkan murtadiinta looga dilay laba askari, halka laba kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Weerarkan jidgalka ah ee ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen soohdin beenaadka, ayaa kusoo beegmaya xilli sidan oo kale weerar qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan saliibiyiinta Kenya oo kasoo baxay magaalada Kiyuunga kuna sii jeeday xerada Milatariga Sankuuri, halkaas oo lagu dilay 7 askari oo Kenyaan ah, dhaawacana inrtaas wuu ka badan yahay halka laga gubay gaari BG ah.