Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin, waxay maanta weerar qorsheysan oo kamiin ah ka fuliyeen duleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyo murtadiin ah.

Weerarka jidgalka ah ayaa lagu beegsaday maleeshiyo murtadiin ah oo ku socdaalayay duleedka degmada Ceeldheer, waxaana goobta looga dilay hal askari oo murtad ah, kaasi oo lagu magacaabi jiray Bilish Axmed Carab.

Dhanka kale, howlgal qarax ah oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhaba, waxay ku dileen askari ka tirsan maleeshiyada Riddada, halka ay ku dhaawacmeen laba kale.

Weeraradan dhabbagalka iyo qaraxa, waxay kusoo beegmayaan xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada mujaahidiintu weerar abaabulan ku mireen saldhigga ciidamada saliibiyiinta xabashida ay ku leeyihiin deegaaka Awdiinle oo ah deegaan hoostaga magaalada Baydhaba.