Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeyaha Afrikaanta ee ATMIS loo yaqaan.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa xalay weerar ku miray saldhigga ciidanka Uganda ee kuyaal agagaarka buundada degmada Qoryooleey balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Dhinaca kale qarax miino oo ciidamo katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee waqooyiga magaalada Muqdisho waxaana ku dhaawacmay illaa iyo 5 askari.