Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin, waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar abaabulan ku ekeeyeen xero ciidan oo saliibiyiinta dowlada Kenya ay kaga suganyihiin deegaanka Ceel-raamo oo hoostaga degmada Ceel-qaalow ee gobalka Mandheera ee dhulka NFD.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Shabaabul Mujaahidiin oo la hadlay Al-andalus waxay xaqiijiyeen in dagaalka inta uu socday uu dab xooggan qabsaday xerada la weeraray, waxaana jirta khasaara nafeed iyo mid hantiyadeed oo ciidamada Kenya lagu gaarsiiyay dagaalka.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen xero ciidamada Kenya ay ka deganyihiin magaalada Ishaa-kaani ee gobalka Laamu lagu dilay laba askari oo Kenyaan ah, halka kuwa kalena looga dhaawacay.