Xoogag Jihaadi ah waxay saacadihii lasoo dhaafay weeraro ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka DFS iyo ciidamada soo duulay ee isku magacaabay ATMIS.
Wararka laga helayo gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo jihaadiyiin ah ay weerar ku qaadeen fariisinka maleeshiyaatka DF ee xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa.

Isla degmadaas waxay dagaalyahanno jihaadi ah qarax la beegsadeen hoyga uu degmada Hilwaa ka daganyahay sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Banaadir kaasi oo lagu magacaabo Qalinlle Geedow oo mar soo noqday gudoomiyaha dhanka amniga iyo siyaasada ee degmada Hilwaa.

Dhanka gobolka Shabeellada Hoose ciidamo katirsan wilaayada Islaamiga waxay habeenkii xalay weerar culus ku qaadeen xerada ciidamada shisheeyaha ATMIS ee deegaanka Arbacow lamana shaacin qasaaraha rasmiga ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogag jihaadi ah ku beegsadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho.