โ€‹Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa iska hor’imaad culus oo duleedka degmada Buula Burte ku dhaxmaray ciidamo huwan ah iyo ciidamada wilaayada Islaamiga Hiiraan.

Wararka ka imaanaya deegaanka Beerayabaal ayaa sheegaya in ciidamada wilaayada Islaamiga Hiiraan ay weerar jidgal ah udhigeen ciidamo kolonyo ah oo ku socdaalayeen deegaanka.
Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa sababay dhimashada 7 askari iyo dhaawac soo gaaray 6 kale, ciidamo katirsan soo duulayaasha ATMIS ayaa maleeshiyaadka dowladda ku wehliyay duullaanka ay ku qaadeen Beerayabaal balse waxaa lagu qasbay in ay dib ugu laabtaan Buula Burde.
Dhinaca kale qaraxyo khasaara dhaliyay ayaa ciidamo katirsan DF-ka lagula beegsaday duleedyada degmooyinka Ceeldheer iyo Kismaayo ee gobollada Galguduud iyo Jubbada Hoose.

Duleedka Kismaayo qarax lagu beegsaday gaari Haartoob ah waxaa ku dhintay 9 askari halka 7 kale ay dhaawacyo soo gaareen.