Weeraro culus ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar kamid ah gobollada dalka Soomaaliya kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka dowladda. Gobolka Banaadir howlgal qorsheysan oo ciidamada Al-Shabaab ay ka fuliyeen xaafada Balaagsii ee degmada Hodan magaalada Muqdisho waxay ku dileen askari ka tirsanaa maleeshiyaadka dowladda.

Dhanka Sh/Hoose dagaal u dhexeeya xoogag jihaadi ah iyo maleeshiyaatka dowlada ayaa xalay ka dhacay buundada Sabiid ee duleedka degmada Afgooye kadib markii jihaadiyiinta ay weerar abaabulan ku qaadeen fariisimaha maleeshiyaadka ee deegaankaasi.

ilo wareedyo laga helay degmada Awdheegle ee gobolka Sh.hoose ayaa sheegaya in qarax maanta barqadii lala beegsaday mooto ay la socdeen ciidamo katirsan DF-ka ay ku dhinteen ugu yaraan 3 askari.

Miino dhulka lagu aasay ayaa ku qaraxday Mootada oo ay saarnaayeen qaar katirsan ciidamadii lagusoo tababaray saldhigga Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale wararka laga helayo gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidamada wilaayaadka ay Maleeshiyaat ka tirsan Jubba Land Barqanimadii maanta qarax xoogan kula eegtaen deegaanka Baarsanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa sii xoojinaysa weerarada lala beegsanayo ciidamada shisheeyaha iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada ah ee la shaqeeya.