Waxaa saacadihii lasoo dhaafay dhacay iska hor’imaadyo dhex maray kooxaha jihaadiyiinta Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka DFS. Dhanka gobolka Banaadir xoogag jihaadiyiin ah ayaa laba qarax ku weeraray xarunta wasaaradda arimaha dibadda ee magaalada Muqdisho waxaa ku dhaawacmay 3askari oo ilaala ka ahaa wasaaradda.

Isla gobolka Banaadir ciidamada wilaayaadka waxay xalay weerar ku qaadeen fariisinka maleeshiyaadka DF ee xaafada Fooriloow ee deegaanka Kaxda ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa qaraxyo laba ah lagu weeraray maleeshiyaad ka tirsan DF oo ku sugnaa isgoyska Boondheere waxaana lagu dhaawacay 1asakri oo ka tirsan maleeshiyaadkaas.

Dhanka kale dagaalyahannada Al-Shabaab waxay dagaal culus xalay ku qaaday fariisinka maleeshiyaadka DF ee deegaanka Siinka Dheer illaa haatan lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaasi.

Wararka laga helayo dhanka gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay xoogagga jihaadiyiinta Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin xaafadda Maanya Fuulka ee magaalada Baydhabo.

illaa haatan saaraakiisha Al-Shabaab maysan caddeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi .

Dhanka gobolka Jubbada hoose hal askari oo ka tirsan maleeshiyadka maamulka isku magcaabay Jubbaland ayaa lagu dilay dagaal shalay galinkii dambe lagu qaaday saldhiga maleeshiyaadkaas ay ku leeyihiin buundada Dhaari Bin Ziyaad ee duleedka magaalada Kismaayo.