Kaddib kacdoon ballaaran oo ay sameeyeen dadka Kenyaanka ah oo soo billowday toddobaadkii tagay, ayuu madaxweynaha dalka Kenya, Wiliam Ruto ku qasbanaaday in uu ka laabto qorshe dowaddiisu soo rogtay oo dhigayay in la kordhiyo canshuurta dadweynaha.

Arrintan ayaa dhalisay foolkaano caro ah oo ay dadka Kenyaanka ah ka qaadeen, taasi oo keentay isku soo baxyo waawayn oo ka dhaca inta badan ismaamullada uu ka kooban yahay dalka Kenya.

Wiliam Ruto, ayaa shir jaraaโ€™id oo uu qabtay gelinkii dambe ee maanta ku shaaciyay in uusan saxiixi doonin oo uu ka laabtay hindise sharciyeed ay usoo gudbiyeen baarlamaanka, kaasi oo ah midka kacdoonka wayn ka dhaliyay magaalooyinka dalkiisa.

Ruto ayaa shirkiisa jaraaโ€™id ku sheegay in uu qaatay dalabka dadkiisa, oo ahaa in uu ka laabto qorshahan lagu kordhiyay canshuuraha dadka, isaga oo si cad u sheegay in uusan qalinka ku duugi doonin hindisaha sharciyeedkaasi.

Goor sii horresayay wuxuu Wiliam Ruto ku goodinayay in uu ciidankiisa gacan bir ah ku qaban doono dibadbaxayaasha, isaga oo qaar ka mid ah dadka kacdoonka wada ku tilmaamayay kuwa dambiileyaal ah, balse ugu dambayn waxay dibadbaxayaashu ku guuleysteen inuu madaxweynaha ka laabto goโ€™aankiisa, kuna qasbanaado in uu si toos ah u shaaciyo in uusan saxiixi doonin hindisahaasi.

Dad badan ayaa ku dhintay isku soo baxyadan oo soo billowday toddobaadkii hore, dibadbaxyada ugu xooggan waxay ka dhaceen magaalada Nairobi ee caasimadda u ah Kenya, halkaas oo ay ku dhaawacmeen inka badan 300 oo Kenyaan ah, halka inka badan 10 kalena ay ku dhinteen.