Beerlayda dalka Kenya ayaa udabaal degaya guul uu madaxweynahoodu kasoo hooyay socdaal uu dabayaaqadii isbuucii lasoo dhaafay ku tagay dalka Soomaaliya.
Guddiga beeralayda Khaatka deegaanka Miraa Kenya ayaa sheegay in lafasaxay xayiraadkii Khaatkooda ee dalka Soomaaliya ayna bilaabayaan in kumanaan kun oo tan maandooriye ah ay udiraan Soomaaliya.

CS.Peter Munya oo ah wasiirka beeraha dowladda Kenya ayaa warbaahinta ugu sheegay magaalada Nairobi in lafasaxay Khaatka dalkiisa ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in socdaalkii uu Uhuru Kenyatta ku tagay Muqdisho khamiistii lasoo dhaafay uu sababay in Xasan Sheekh uu xayiraaddii saarneed ka qaado Khaarka Miraa.

Beeralayda Kenya ayaa maalin walba lacago malaayiin dollar ah ka faa’iidi jiray maandooriyaha ay udhoofiyaan Soomaaliya, muddo hadda laga joogo laba sandood ayay xukuumaddii Farmaajo mamnuucday in Khaatka Kenya Soomaaliya loosoo dhoofiyo taas bedelkeedna waxay fasaxday in Maandooriyaha Itoobiya dalka lagu kharqiyo.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ururkiisa Damuljadiiid ayaa lafilayaa in ay dalka soo geliyaan Maandooriye hor leh iyo calooshood ushaqeystayaal shisheeye ah, sedax maalin kadib markii Xasan Gurguurte ladoortay ayuu Mareykanku sheegay in uu Sooomaaliya dib ugu celinayo boqolaal katirsan ciidamadiisa.