Hoggaamiyaha DF-ka ayaa markii ugu horraysay ka hadlay siyaasadda uu ku wajahayo dhaq dhaqaaqa jihaadiga Al Shabaab ee dagaallama dalka Soomaaliya. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeedinayay machadka daraasaadka SETA ee dalka Turkiga ayaa meesha ka saaray in xukuumaddiisu ay wax wadaxaajood ah layeelato Xarakada Al Shabaab taas bedelkeedna ay sare uqaadayaan dagaalka ka dhanka ah.

Wuxuu sheegay in dowladiisu ay illaa sedax wadiiiqo kula tacaamulayso jihaadiyiinta Al Shabaab, wadiiqooyinkaas waxaa kamid ah dagaal melleteri, mid dhanka dacaayadda ah iyo in ay dhaqaalaha ka beegsadaan sida uu hadalka udhigay.

Lagasoo bilaabo sanaddii 2012 illaa 2016 oo uu Xasan Sheekh madaxweyne ka ahaa DF-ka waxaa Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka ka dhacayay weeraradii ugu xoogganaa uguna saameynta badnaa ee ay fulisay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa gacanta ku haysa inta badan dhulka Soomaaliya waxayna xarakadu ammaan iyo nabad gelyo kusoo dabaashay dhowr gobol oo dadka lagu dhici jiray.

Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in awoodda jihaadiyiinta Soomaaliya ay sii xoogeysan doonto Afarta sano ee Xasan Gurguurte uu majaraha u hayo DF-ka sababa laxiriira ciidamada shisheeyaha ATMIS oo faarujinaya dhowr magaalo.