Xiisad xooggan oo u dhaxaysa maamulka ashahaada la dirirka ee la magac baxay Somaliland iyo xubnaha mucaaradka ku ah maamulkaasi ayaa maanta ka taagan magaalada Hargaysa ee xarunta gobolka waqooyi galbeed ee Somalia.

Xiisadda ayaa timid ka gadaal markii ciidanka maamulka Muuse Biixi ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee Hargaysa ay xireen siyaasi ka mid ah xubnaha mucaaradka, kaasi oo lagu magacaabo Cismaan Cumar Dool .

Xarigga siyaasigan ayaa keenay in taageereyaashiisa oo ku sugnaa halka uu kasoo degayay oo ah garoonka ay mudaaharaad ka dhigaan halkaasi, taasi oo keentay in ciidanka ilaalada ka haya garoonka ay rassaas u adeegsadaan dadka isku soo baxa ka dhanka ah maamulka Muuse Biixi halkaasi ka dhigay.

Dibadbaxayaasha ayaa la arkayay iyaga oo adeegsanaya dhagxaan, waxayna xirteen waddada garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargaysa, basle maleeshiyada Muuse biixi ayaa isku dayay inay dibadbaxayaasha ku kala eryaan rassaas nool nool.