Xildhibaanad Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo katirsan baarlamaanka dowladda fedaraalka ayaa ka hadashay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin fashilka xumuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho ka heysta dagaalka ay kula jirto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Wareysi dheer oo ay bixisay ayay qeybaha hore kaga hadashay arrimo la xiriira siyaasadda, iyadoo geesta kale soo hadal qaaday xaaladda adag ee heysata ciidamada dowladda fedaraalka.

Waxa ay tilmaamtay in ciidankoodu ay maanta itaal daran yihiin ayna joogaan halkii ugu liidatay, taas badalkeeda waxa ay sheegtay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii xoogeysaneyso, ciidanka shisheeye ee ATMIS-na ay dalka ka baxayaan taas oo ay xustay iney aad uga walwalsan tahay.

Halkan Ka Dhagayso