Gaashaanbuursiga wadaniga ee dimuqraadiga oo uu hogaamiyo xisbiga Barhartiya ee xagjirka ah ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee baarlamaanka dalka Hindiya, kadib markii wareega koowaad ee cod bixiyeyaasha la tiriyay.

Sida ay baahiyeen gudiga doorashada ee dalka Hindiya, markii la tiryay codadka doorashada waxaa xisbiga uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha xagjirka ah ee dalka Hindiya uu helay 85% codadka doorashada, taasoo ka dhigan in xisbigu ku guuleystay 276 kursi oo kamid ah baarlamaanka tirade xillibaannadiisu guud yihiin 543 qof.

Doorashada lagu dooranayay xillibaannada baarlamaanka dalka Hindiya ayaa socotay 6 todobaad oo xiriir ah, waxaana ka qeybgalay dad tiradooda lagu sheegay 642 malyan oo qof, waxaana Muudi uu horey u sheegay inuu ku kalsoonyahay in shacbka Hindiya ay codkooda ugu hiilin doonaan xukuumadiisa.

Guusha xisbiga Bahartiyah uu ka gaaray doorashada baarlamaaniga ee dalka Hindiya ayaa ka dhigan in ra’iisul wasaaraha Hindiya xagjirka lagu magacaabo Muudi uu markii saddexaad sii ahaanayo ra’iisul wasaaraha dalka.

Axsaabta mucaaradka ee dalka Hindiya ayaa ku guuleysan kari waayay iney xilka ka tuuraan Muudi, waxayna tilmaameen in sababta ugu wacan ay tahay iyadoo ra’iisul wasaaraha adeegsanayo awoodda dowladeed, dagaal siyaasadeed oo adagna kala hortagay siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Markaz lagu magacaabo Freedom House oo baaritaannada sameeya, fadhigiisuna yahay dalka Maraykanka ayaa warbixin uu horey u daabacay wuxuu ku sheegay in Muudi uu mu’assasaatka dowladda u adeegsaday qamcinta siyaasiyiinta tartanka kula jirta.

Maalintii Axadda ee lasoo dhaafay, ra’iisul wasaaraha dalka Hindiya ayaa xabsiga u taxaabay ra’iisul wasaaraha caasimadda dalka ee New Delhi, kaasoo kamid ahaa siyaasiyiinta aad uga soo horjeeda Muudi iyo xukuumadiisa.

Siyaasiga lagu magacaabo Kiijar-Yawaal oo 55 sano jir ah ayaa lagu eedayay inuu ku kacay musuq-maasuq baaxad leh, eedaasna lagu heley kadib baaritaanno qaatay in muda ah, laakiin markii ay doorashadu soo dhaweyd ayaa xabsiga laga sii daayay, iyadoo shardi looga dhigay inuu xabsiga kusoo noqdo marka uu soo dhameysto ololaha doorashada.

Dalka Hindiya ayaa lagu tiriyaa wadamada xaaladaha adag ay ku noolyihiin muslimiinta, waxaana dalkan ku nool tiro ahaan 200 oo malyan oo muslimiin ah, kuwaasoo dalka ka ah aqalliyad aan wax micno ah ugu fadhin xukuumadda, iyagoo la kulma tacadiyaad xoogan oo kala duwan, dastuurka dalka oo cilmaaniyadda ku dhisan ayaana muslimiinta u arka kuwa aan wax xuquuq ah lahayn.