Wararka ka imaanaya Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay shil khasaara geystay.
Shilka oo ka dhashay gaari xamuul ah iyo mid nooca raaxada ah oo isku dhacay waxaa ku dhaawacmay shan qof waxaana ku baabaโ€™ay xoolo uu siday gaariga xamuulka ah.

Dadka dhaawacan ayaa sida ay wararku sheegayaan qaarkood jajaban yihiin waxaana loo qaaday isbitaalka degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Sawirro lagasoo qaaday goobta uu shilku ka dhacay ayaa muujinayay burburka gaaray gaadiidka isku dhacay, xoolo ubadnaa Ari ayaa badankood bakhtiyay iyadoona gaariga xamuulka ah uu wadada ka baxay.

Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkan dambe kusoo badanayay wadada laamiga ee xiriirisa magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso, sanad walba kumanaan kiis oo shilal ah ayaa wadadan lagasoo calaamadeeyaa.